Horudhac: Juventus vs Bologna… (Kooxda Juve oo doonaysa inay sii haysato hoggaanka horyaalka Serie A)

(Turin) 19 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa dib ugu soo laabanaysa caawa ciyaarista horyaalka Serie A kaddib ciyaaraha caalamiga ah, waxaana ay soo dhoweynayaan naadiga Bologna.

Hoggaamiyeyaasha horyaalka Serie A ee Juventus ayaa qaabilaya naadiga Bologna iyagoo hal dhibic hoggaanka horyaalka Talyaaniga kaga haya Inter Milan kaddib markii kulankii dhowaa kooxda ay Inter 2-1 ku garaaceen.

Bologna ayaa u safreysa Juve kaddib markii ay garoonkooda kulankii ugu dambeeyey horyaalka barbaro 2-2 ah kula galeen Lazio.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Italy – Serie A

Taariikhda: Sabti, 19 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 9:45 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Massimiliano Irrati (Italy)

Garoonka: Allianz Stadium

Wararka Kooxaha:-

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa sii ciyaari doonta caawa iyadoo aan haysan adeegyada Douglas Costa, Mattia De Sciglio, Giorgio Chiellini iyo Marko Pjaca.

Aaron Ramsey iyo Danilo ayaa labaduba ka soo kabsaday dhaawacyo muruqa ah, waxaana ay yareyn karaan walaaca macallinka Juve ee Maurizio Sarri.

Gonzalo Higuain iyo Federico Bernardeschi ayaa la filayaa inay ku soo bilowdaan safka hore ee kulankan Bologna, iyadoo Paulo Dybala ay u badan tahay in loo diri doono kursiga keydka.

Ma cadda haddii uu Cristiano Ronaldo ku soo bilaaban doono kulanka caawa, maadaama Talaadada soo aaddan ay kulan Champions League ah kooxdiisa Juve la leedahay naadiga Lokomotic Moscow.

Dhinaca kale kooxda Bologna waxa ay dib u heli doontaa xiddigeeda Roberto Soriano oo ganaax dib uga soo laabanaya kulankan.

Gary Medel ayaa ganaax ku seegi doona kulankan maadaama uu la maqan yahay kaarka cas oo uu qaatay, laakiin kooxda martida ah ayaan ka walwalaynin dhaawacyo badan.

Mattia Destro iyo Takehiro Tomiyasu ayaa sidoo kale ka maqnaan doona kooxda Bologna kulankan.

Mattia Bani, Danilo iyo Stefano Denswil ayaa ku tartami doona in labo ka mid ah lagu bilaabo daafaca dhexe kulankan ay ka horjeedaan kooxda Juventus.

Riccardo Orsolini oo si joogto ah Bologna kaga soo biiray Juventus suuqii xagaaga ayaa daawan doona kooxdiisa martida ah.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Juventus ayaa guul gaartay 27 ka mid ah 32-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay gurigeeda ay ku ciyaartay horyaalka Serie A.

>- Juventus ayaa guuleysatay todobadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday naadiga Bologna tartammada oo dhan.

>- Bologna ayaa ku guuldarreysatay inay guul gaarto 30 ka mid ah 33-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka Serie A ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

>- Kooxda Juventus ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool afartii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.

>- Juventus ayaa dhalinaysay ugu yaraan labo gool afartii kulan oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda Bologna tartammada oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close