Horudhac: Eibar vs Barcelona… (Kooxda Barca oo hoggaanka horyaalka La Liga kala wareegi karta Real Madrid)

(Eibar) 19 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Eibar ayaa soo dhoweynaysa naadiga Barcelona duhurnimada maanta kulan ka tirsan horyaalka La Ligaha Spain.

Barcelona ayaa dib ugu soo laabanaysa maanta ciyaarista horyaalka La Liga kaddib ciyaaraha caalamiga ah, waxaana ay u safrayaan naadiga Eibar.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Spain ayaa doonaysa inay difaacato horyaalka La Liga, waxaana haatan ay kaliya labo dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Real Madrid kaddib siddeed kulan oo la ciyaaray.

Wiilasha uu hoggaamiyo macallin Ernesto Valverde ayaa kalsooni ku qaba inay guul soo gaari doonaan kulanka maanta, laakiin  waxaan meesha laga saari karin in Eibar aan laga adkaan afartii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaartay horyaalka.

Guul ay Barcelona ka gaarto Eibar ayaa ka dhigan inay hal dhibic si ku meel gaar ah hoggaanka horyaalka La Liga kala wareegi karto Los Blancos, maadaama uu kulankan u horreeyo kulammada horyaalka Spain ee maanta la ciyaari doono.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Sabti, 19 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 2:00 Duhunnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Mario Melero Lopez (Spain)

Garoonka: Ipurua Municipal Stadium

Wararka Kooxaha:-

Gonzalo Escalante ayaa ganaax ku maqnaan doona kulankan, kaddib markii laga saaray ciyaartii ay wajaheen naadiga Real Betis.

Jose Angel iyo Anaitz Arbilla ayaa labadaba la filayaa inay ku soo bilowdaan kulankan, kaddib dhaawacyo ay la maqnaayeen ka hor ciyaaraha heerka caalami ee xulalka.

Kike Garcia ayaa hoggaamin karta safka kooxda martigeliyayaasha ah, iyadoo Edu Exposito uu yahay xiddig kale oo ku soo bilaaban doona khadka dhexe.

Kooxda Barcelona ayaa ganaax ku wayn doonta Gerard Pique, Ousmane Dembele iyo Ronald Araujo.

Natiijadaas ayaan ka dhigan in Clement Lenglet oo qalbadda dhexe ee daafaca kulankan la wadaagi doono Jean-Clair Todibo, daafaca Samuel Umtiti ayaa ku dhow inuu ka soo laabto dhaawac uu la maqnaa, waxaana uu noqon karaa dooq kale oo halkaan jooga.

Jordi Alba ayaa taam buuxa ah kaddib dhaawac uu la maqnaa, waxaana uu ku soo bilaabanayaa daafaca garabka bidix, halka Nelson Semedo uu ka soo muuqan doono dambeedka midig ee daafaca.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kooxda Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool 10-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday naadiga Eibar tartammada oo dhan.

>- Barcelona ayaa guulaysatay labadaba qeybta hore iyo ciyaarta oo dhammaystiran saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ciyaartay horyaalka La Ligaha Spain.

>- Barcelona ayaan la garaacin tobankii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay kooxda Eibar tartammada oo dhan.

>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay horyaalka La Liga.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close