Goorma ayay ahayd markii ay kooxda Manchester United doonaysay inay la saxiixato goolhaye Wojciech Szczesny?

(Manchester) 19 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa Juventus weydiisatay suurto-galnimada ay ku heli karaan goolhaye Wojciech Szczesny, ka hor inta uusan David De Gea qandaraaska u kordhin, sida wararku ay sheegayaan.

Sida uu warinayo Warsidaha Sun Sport, waxaa loo soo jeediyey kooxda uu hoggaamiyo macallin Ole Gunnar Solskjaer inay la soo saxiixdaan goolhaye Szczesny suuqii xagaaga.

De Gea waxaa si weyn loo filayay inuu baxo, laakiin taa bedelkeeda wuxuu qalinka dul dhigay heshiis cusub oo afar sano ah bishii Sebtember.

Waxaana soo baxaya haatan in kooxda Manchester United ay bedelka goolhaye David De Gea u arkaysay suuqii xagaaga shabaq-ilaaliyaha Juventus ee Wojciech Szczesny.

Xiddiga reer Poland ayaa qandaraaskiisa haatan ee Juventus waxa uu dhacayaa bisha June sanadka 2021-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close