Chelsea oo guul dirqi ah kaga gaartay Newcastle United garoonkeeda Stamford Bridge… +SAWIRRO

(London) 19 Oct 2019. Chelsea ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Newcastle United garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulankooda 9-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood ee Chelsea iyo Newcastle United.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinacba waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 73-aad Marcos Alonso ayaa wuxuu ka fujiyay taageerayaasha garoonka Stamford Bridge, wuxuuna hogaanka u dhiibay kooxda Chelsea isagoo dheesha ka dhigay 1-0, waxaana goolkan ka caawiyay Callum Hudson Odo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Newcastle United oo marti ku aheyd garoonka Stamford Bridge.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close