“Waa inaad weydiisaan Javier Tebas sababta dib loogu dhigay kulanka El Clasico” – Guardiola

(Manchester) 18 Oct 2019. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay dib u dhigista kulanka El Clasico, kaasoo qorsheeysnaa inay ku wada ciyaaraan Barcelona iyo Real Madrid 26-ka bishan October garoonka Camp Nou.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa soo xigtay wareysi uu maanta bixiyay tababare Pep Guardiola, kaasoo uu kaga hadlay dib u dhaca ku yimid kulanka El Clasico wuxuuna yiri:

“Wax fikrad ah kama haysto, mana aqaano sababaha dhabta ah ee ka dambeeya dib u dhigista kulanka El Clasico, waa inaad weydiisaan Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas iyo xiriirka kubadda cagta ee dalka Spain”.

“Ma aqaano cidda go’aansatay, inkastoo ay qaateen go’aankan, laakiin waa inay jirto sabab ah inay ka baqayaan inay wax dhacaan, laakiin runtii ma aqaano sababaha loo bedelay taariikhda ciyaarta”.

Waxaa xusid mudan in dowladda Spain ay diiday in kulanka El Clasico la ciyaaro waqtigii horey loogu qorsheeyay ee ahaa 26-ka bishan October, sababa la xiriira jawiga gobolka Catalonia oo ah midaan deganeyn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close