Valverde oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha Barcelona ee ka qeyb galaya kulanka Eibar… (Yaa ka maqan yaase ku soo baxay?)

(Barcelona) 17 Oct 2019. Tababare Ernesto Valverde ayaa u yeeray liiska 22 xiddig ka tirsan kooxdiisa Barcelona, si ay kaga qeyb galaan kulanka Sabtida soo aadan ay kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga kooxda Eibar.

Barcelona ayaa maalinta Sabtida marti ugu noqon doonta kooxda Eibar Ipurua Municipal Stadium, si ay u wada ciyaaraan kulankooda 9-aad xilli ciyaareedkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Liiska xiddigaha Barça uu ku dhawaaqay tababare Ernesto Valverde ayaa waxaa lagu dhex arkay daafaca reer France ee Samuel Umtiti, inkastoo uusan wali helin waraaqaha ogolaanshaha caafimaad ee kulankan.

Haddaba liiska xiddigaha kooxda Barcelona uu ku dhawaaqay tababare Ernesto Valverde ee ka qeyb galaya kulanka Sabtida soo aadan ay la ciyaari doonaan Eibar ayaa waxay kala yihiin:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close