Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane oo soo gabagabayeeyey xiisihii uu u qabay Paul Pogba

(Madrid) 17 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee dalka Spain ayaa lagu soo waramayaa inay soo gabagabaysay xiisihii ay u haystay laacibka khadka dhexe ee Manchester United, Paul Pogba.

Xiddiga reer France ayaa la la xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono caasimadda Spain suuqii xagaaga oo dhan, laakiin shuruudo aan la aqbali karin oo ciyaaryahankii hore ee Juventus laga soo bandhigay ayaa keenay inuu sii joogo Old Trafford, halkaasoo uu ku qaatay dhowr dhaawacyo ah xilli ciyaareedkan.

Sida uu warinayo Warsidaha Don Balon macallinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa u muuqda inuu lumiyay xiisihii uu u qabay xiddigan, waxaana uu hadda si firfircoon u raadinayaa badalkiisa.

Wararku waxaa kale oo ay intaa ku darayaan in waxyaabaha ka hor istaagaya wadahadallada ay aheyd qiimaha Pogba ee 180 milyan oo euro oo u dhiganta 156 milyan oo gini, qiimahaas oo ah mid madaxweynaha Madrid ee Florentino Perez uusan diyaar u ahayn inuu kala kulmo ciyaartoy kasta.

Waxaa la rumeysan yahay in Real Madrid ay haatan u weecan doonto xiisaha ay u qabaan 24-sano jirka khadka dhexe ee kooxda Lazio, Sergej Milinkovic-Savic, kaasoo loo arko inuu la mid yahay Pogba, laakiin lagu heli karo qiimo macquul ah oo aan aad u badnayn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close