Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas oo ka hadlay arrinta ku aadan dib u dhigista kulanka El Clasico

(Madrid) 17 Okt 2019. Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa sheegay in kulanka xiisaha badan ee El Clásico ee dhex mari doono kooxaha Barcelona iyo Real Madrid dib loo dhigi doono, isagoo intaas ku daray hadalkiisa inay adkaan doonto in la ciyaaro 18-ka Diseembar, sida lagu sheegay dhowr warbixino ee dhanka saxaafada ah saacadihii la soo dhaafay.

Xiisad ayaa ka dhalatay taariikhda la ciyaarayo kulanka El Clasico, oo loo qorsheeyay inuu dhaco 26-ka bishaan, sababa la xiriira deganaansho la’aanta magaalada Barcelona maadaama ay ka jiraan banaanbaxyo siyaasadeed.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas wuxuuna yiri:

“Wax badan oo daadad ah ayaa soo muuqday waxaana loo nisbeeyay xiriirka kubadda cagta ee dalka Spain, laakiin waxaan filayaa in xirriirka uusan go’aamin doonin taariikhda la ciyaari doono kulankan, laakiin jihada Mas’uulka ka ah in taariikhda ay go’aamiso ayaa ah inuu yahay guddiga taranka, waxaa jira howlgalo kala duwan, annaga ahaan maamulka horyaalka La Liga waxaan isku dayi doonaa in la go’aamiyo waqti kale ee cusub”.

“Waxay ka hadlayaan in dib loo dhigi doono ilaa iyo 18-ka Diseembar, xilligaas waxaa jiri doono kulamo ka tirsan Copa del Rey maalintaas”.

“kulanka El Clasico lama qaban karo maalintaas, waa inaan fadhiisno oo aan taariikhda dejino, waxaan rajeynayaa in Guddiga Tartanka uu xallin doono arrintan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close