Kooxda Real Madrid oo warbixin ka soo saartay dhaawaca Luka Modric, xilli si horudhac ah loo ogaaday mudada uu maqnaan karo

(Madrid) 16 Okt 2019. Laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid, Luka Modric ayaa wajahaya dhowr isbuuc oo uu garoomada ka maqnaan doono kaddib markii uu dhaawac soo gaaray.

Luka Modric ayaa dhaawac muruqa lugta ah uu soo gaaray intii uu ku guda jiray kulankii xulkiisa qaranka Croatia ay barbaraha la galeen dhiggooda Wales.

Warbixin caafimaad oo ka soo baxday xalay kooxda Real Madrid ayaa lagu sheegay in Modric laga helay dhaawac muruqa bowdada midig ah oo weliba calaamadda jugtu ay ka muuqato.

Dhaawaca caynkan oo kale ah caadiyan wuxuu u baahan yahay waqti soo kabasho ah ee ugu yaraan labo illaa saddex isbuuc ah, halka dhaawacyaas ay sidoo kale mararka qaar u baahnaan karaan lix illaa siddeed todobaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close