Daafaca Liverpool Trent Alexander-Arnold oo lagu daabacay buuga diiwaanka dhacdooyinka Adduunka ee Guinness World Records

(Liverpool) 16 Okt 2019. Daafaca kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa lagu qoray buugga diiwaanka rikoorrada adduunka ee Guiness Word Records.

Xiddigan reer England ayaa buugan lagu diiwaan-geliyo dhacdooyinka adduunka waxa uu ku muteystay inuu ka soo muuqdo kaddib rikoorkii uu ka dhigay horyaalka Premier League.

21-sano jirkaan ayaa lagu abaal-mariyey inuu ka soo muuqdo buugga diiwaanka rikoorrada adduunka ee Guinness World Records, waxaana uu noqday daaficii ugu horreeyay taariikhda Premier League ee caawintii ugu badnayd sameeyay hal xilli ciyaareed.

Waxa uu Alexander-Arnold horyaalka Premier League ka sameeyey 12 caawin xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana uu hal caawin ku jabiyey rikoorkii hore u yiilay.

Dhinaca kale Robertson ayaa 11 caawin sameeyay Premier League, laakiin waxa uu hal caawin ka hooseeyay daafaca da’da yar ee ay ka wada tirsan yihiin Liverpool.

Markii Alexander-Arnold lagu wareejiyey biladda buugga diiwaanka rikoorrada adduunka ayaa waxa uu si weyn u amaanay doorka ay saaxiibadiisa kooxdu ka qaateen inuu rikoorkan jabiyo.

“Sharaf ayay ii tahay, waxaan mar walba doonayay inaan hore u dhaqaaqo, inaan kooxda caawiyo oo aan abuuro fursado badan intii aan awoodo.” ayuu yiri Arnold.

“Dabcan ciyaartoyda weerarka ayay ku xiran tahay inay kubadda shabaqa dhex dhigaan, sababtoo ah kubadda cagta waa ciyaar wadareed, iyaga la’aantoodna rikoorkaan suuro-gal ma noqdeen.

Alexander-Arnold oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyey: “Waa waqti aan la rumeysan karin oo aan ku faani karo, waxaana rajeynayaa in rikoorkaan uu muddo sanado ah sii taagnaado.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close