Waa kuwee SHANTA halyeey kubadda cagta ah ee illaa iyo haatan ka goolal badan Cristiano Ronaldo?

(Europe) 15 Okt 2019. Waxaa wali jirta 5 halyeeyo ee kubadda cagta ah, kuwaasoo ka goolal badan weeraryahanka kooxda Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo, inkasoo uu xalay ku guuleystay inuu gaaro goolkiisii ​​700-aad ee xirfadiisa ciyaareed kubadda cagta.

34 jirka kooxda Juventus ayaa xalay dhaliyay goolkiisii ​​700-aad ee xirfadiisa ciyaareed kubadda cagta, ikastoo ay guuldaro 2-1 kala kulmeen xulka qaranka Ukraine kulan ka tirsanaa isreebreebka koobka Euro 2020.

Haddaba ilaa iyo haatan waxaa jirta magacyada 5 halyeeyo ee ka goolal badan weeraryahanka kooxda Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo, kuwaasoo kala ah, Josef Bican (805 gool), Pele (779 gool), Romario (748 gool), Puskas (709 gool), Gerd Muller (701 gool).

Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii ugu horreeyay ee wali ciyaarta kubadda cagta, ee gaaray heerkan gooldhalineed ee cajiibka ah, inkastoo ay da’adiiso sii socoto, haddana wuxuu wali fursad weyn u heystaa inuu sare u sii qaado tirsiga goolashiisa.

Haddaba goolashii uu u soo dhaliyay kooxihii uu soo maray ayaa waxay ku yimideen sida tan: 450 gool ayuu u soo dhaliyay kooxda Real Madrid, 118 gool wuxuu u dhaliyay Manchester United, 32 gool ayuu u dhaliyay Juventus, 5 gool ayuu u dhaliyay Sporting Lisbon, iyo sidoo kale 95 gool oo caalami ah uu u dhaliyay xulkiisa qaranka Portugal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close