Real Madrid oo shaaca ka qaaday natiijada baaritaanadii caafimaad ay dhakhaatiirta ku sameeyeen dhaawaca Modrić

(Madrid) 15 Okt 2019. Real Madrid ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay maanta oo Talaado ah waxa ay ku shaacisay natiijada ka soo baxday baaritaanadii caafimaad ay dhakhaatiirta kooxda ku sameeyeen dhaawaca Luka Modrić.

Luka Modrić ayaa ku dhaawacmay inta lagu gudi jiray kulankii ay wada ciyaareen xulalka Croatia iyo Weles ee ka tirsanaa kulamada isreebreebka koobka Euro 2020.

Haddaba Real Madrid ayaa war rasmi ah ay ka soo saartay baaritaanadii caafimaad ay dhakhaatiirta ku sameeyeen dhaawaca Modrić waxay ku sheegtay:

“Luka Modric wuxuu la xanuunsanayaa dhaawac ka soo gaadhay murqyada lugtiisa midig, waxaana la sugayaa horumarka uu ka sameeyn doono dhaawaciisa”.

Si kastaba ha noqotee, kooxda Real Madrid ma aysan shaacin mudada la filaayo in xiddigan uu ka maqnaanayo garoomada, laakiin xaqiiqdii ma awoodi doono inuu ka qeyb galo kulanka soo aadan oo ay kula ciyaarayaan kooxda Mallorca horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close