Macallinka xulka qaranka Chile oo xaqiijiyey muddada uu garoomada ka maqnaan karo Alexis Sanchez

(Milan) 15 Okt 2019. Alexis Sanchez ayaa wajihi kara maqnaansho muddo dheer ah oo uu garoomada kaga maqnaanayo dhaawac canqowga ah sida uu sheegay macallinka xulka qaranka Chile ee Reinaldo Rueda.

Weeraryahanka kooxda Inter Milan kaasoo amaah kaga soo tagay Manchester United ayaa ku dhaawacmay intii lagu guda jiray kulankii xulkiisa qaranka Chile uu barbaro goolal la’aan ah la galay Colombia.

Waxaa Sanchez laga diray Chile isagoo dib ugu laabtay kooxdiisa Inter si uu daweyn u helo, sida ay sheegeen xiriirka kubadda cagta Waddankiisa.

Macallin Rueda ayaa haatan sheegay in dhibaatada soo gaartay laacibkan ay lagama maar-maan tahay inuu qalliin maro.

“Wuxuu ahaan karaa mindida hoosteeda” ayuu shir jaraa’id ka sheegay macallin Rueda, isagoo hadalkiisa intaa ku daray: “Kooxdiisa Inter ayaana go’aansan doonta.”

“Waxaan waayi karnaa isaga labo ama saddex bilood, waa wax laga xishoodo sababtoo ah wuxuu bilaabay inuu markale la ciyaaro Inter.”

Sanchez oo 30-sano jir ah ayaa xilli ciyaareed amaah ah ugu soo dhaqaaqay Talyaaniga kaddib markii uu ku guuldarreystay inuu bandhig wacan ka sameeyo garoonka Old Trafford.

Waxa uu u dhaliyey hal gool kooxdiisa Inter Milan afar kulan oo uu u saftay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close