Kooxda Chelsea oo indhaha ku haysa saxiixa xiddiga Emanuel Vignato

(London) 15 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay xiisaynayso saxiixa Weeraryahanka naadiga Chievo ee Emanuel Vignato.

19-sano jirkaan ayaa soo maray nidaamka dhallinyarada ee kooxda Chievo, wuxuuna u saftay 21 kulan kooxda koowaad ee dalka Talyaaniga  oo ay ku jiraan todobo ka mid ah Serie B bilowga xilli ciyaareedkan 2019-20.

Si uu warinayo Warsidaha Gazzetta dello Sport, Chelsea ayaa rag u soo daawada u dirsatay Vignato xilli ciyaareedkan, iyadoo Blues ayaa ka fiirsanayso inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta da’yarkan marka xayiraaddooda suuqa kala iibsiga la soo gabagabeeyo.

Wararku waxa ay sheegayaan in kooxaha Bayern Munich, AC Milan iyo Inter Milan ay sidoo kale xiisaynayaan gooldhaliyahan, kaasoo u saftay xulka qaranka Talyaaniga ee xiddigaha da’doodu ka hooseyso 20-ka sano.

Vignato ayaa inta badan ka ciyaara garabka midi gee weerarka, laakiin xilli ciyaareedkan waxa uu inta badan kooxda I Gialloblu kaga ciyaaray booska weerarka dhexe ee tooska ah.

Chelsea ayaa hadda laga mamnuucay inay keensato ciyaartoy cusub kaddib markii ay jabisay qawaaniinta FIFA ee ku aaddan la soo saxiixashada ciyaartooyda da’da yar, laakiin Blues ayaa lagu soo waramayaa inay ku rajo weyn tahay in ganaaxa laga dhimayo kaddib racfaankii ay qaateen.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close