Edinson Cavani oo doonaya inuu dib ugu laabto dalka Talyaaniga… (Miyuu CR7 kula midoobayaa Juventus?)

(Paris) 15 Okt 2019. Sida wararku ay sheegayaan Edinson Cavani ayaa doonaya inuu ka tago PSG, isla markaana uu u dhaqaaqo dhanka Talyaaniga.

Cavani ayaa raba inuu ku biiro naadiga Juventus ee ka xamaalata horyaalka Serie A, waxaana uu doonayaa inuu halkaas kula midoobo Cristiano Ronaldo.

Warsidaha Talyaaniga ka soo baxaya ee Calciomercato ayaa warinaya in Wakiillada  Edinson Cavani ay la hadleen kooxda Juventus uu laacibku ugu wareego suuqa xagaaga.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ayaa heshiiskiisa kooxda waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo aysan jirin wax horumarro ah oo ku saabsan heshiis kordhintiisa kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska.

Inkastoo kooxaha ka dhisan horyaalka Premier League qaarkood ay tuseen laacibkan xiisaha ay u hayaan, haddana Cavani ayaa doonaya inuu dib ugu laabto dalka Talyaaniga, wuxuu u arkaa kooxda haysata horyaalka Serie A inay tahay halka ugu wanaagsan ee guulo ku gaari karo.

Xiddigan xulka qaranka Uruguay ee Cavani oo 32-sano jir ah ayaa horay uga soo ciyaaray dalka Talyaaniga, isagoo soo matelay kooxaha Palermo iyo Napoli.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close