PSG oo xaqiijisay in Neymar Jr uu soo gaaray dhaawac bowdada ah & mudada uu garoomada ka maqnaan doono

(Paris) 14 Okt 2019. Kooxda Paris Saint-Germain ayaa war rasmi ah ka soo saartay xaalada dhaawaca soo gaaray xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr.

Xiddigii hore kooxda Barcelona ayaa markale la kulmay dhaawac cusub shalay oo Axad ah, inta lagu gudi jiray kulankii saaxiibtinimo ay wada ciyaareen xulalka Brazil iyo Nigeria.

27 jirkan reer Brazil  ayaa garoonka ka baxay daqiiqadii 12-aad ee qeybta hore ciyaarta, kaddib markii uu saameyn ku yeeshay dhaawac ka soo gaaray dhanka bowdada lugta bidix ah.

Haddaba PSG ayaa war rasmi ah ay ku soo qortay website-keeda waxay ku sheegtay:

“Neymar Jr waxa uu maray baaritaano MRI galabnimadii maanta waxaana la xaqiijiyay inuu dhaawac ka qabo bowdada lugta bidix”.

“Mudada uu ku soo laabanayo garoomada ayaa noqon doona afar todobaad kaddib, waxayna ku xirnaan doontaa horumarka uu ka sameeyo xaaladdiisa caafimaad”.

Neymar Jr ayaa seegi doona labada kulan ee tartanka Champions League ay la ciyaari doonaan kooxda Club Brugge, laakiin waxaa la filayaa inuu taam u noqon doono kulanka adag ee Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close