“Ma aqriyo wargeysyada Spain” – Eden Hazard

(Madrid) 14 Okt 2019. Xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa sheegay inuusan akhrin dhaleeceynta ka dhan ah isaga oo ay daabacayaan wargeysyada gudaha Spain, sababa la xiriira inuusan si fiican u aqoon luqada Spain.

Eden Hazard ayaa wareysi uu ku bixiyay “La Dernière Heure” ee dalka Belgian wuxuu ku sheegay:

“Kuma sii noolaanin Isbuucyo adag ee kooxd Real Madrid ah, waan ogaa in meel kasta ay kaga hadli doonaan kooxda, sababtoo ah waa koox weyn, waana sababta aan halkan u joogo”.

“Ma aqriyo dhaleeceenta wargeysyada sababtoo ah weli si fiican uma fahmin luqadda Isbaanishka”.

Si kastaba ha noqotee, Eden Hazard ayaa ku yimid kooxda Real Madrid qiimo dhan 100 milyan euro, kaddib markii uu kaga soo dhaqaaqay naadiga reer London ee Chelsea, suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close