Liiska 50-ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa horyaalka Premier League Tobankii sano ee lasoo dhaafay oo la shaaciyay

(England) 14 Okt 2019. Wargeyska “Daily Mirror” ee dalka England ayaa daabacday liis ka kooban 50-ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa Horyaalka Premier League mudada tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay qiimeyntan imaaneyso maadaama lagu sii dhawaanayo gabagabada sannadka 2019-ka, iyadoo dhabcan liiskan lagu dhex arkay waxyaabo badan ee muran xoogan ka dhex dhaliyay baraha bulshada.

Ciyaartoyda ku soo baxay liiskan ayaa waxaa lagu soo xushay dhowr siyaabo muhiim ah, qiimeynta koowaad ayaa waxay ka tar jumeysaa mudada uu ciyaaryahanka qeybta ka ahaa horyaalka, haddii uu laacibka ku qaatay sannado badan, isla markaana qaab ciyareedkiisa uu si joogta u ahaa mid cajiib ah, waxaa sii kordheysa fursada uu kaga soo muuqan karo liiskan, halka gabi ahaanba uusan ka soo muuqan Karin liiskan xiddig ku qaatay horyaalka Premier League wax ka yar 2 sano.

Qiimeynta labaad ayaa ah in ahmiyad weyn la siiyo abaal-marinada shaqsiyadeed sida ku guuleysiga ciyaaryahanka ugu fiican xilli ciyaareedka, ama abaal-marinta gooldhaliyaha ugu sareeya iyo waxa la mid ah.

Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa liiskan ka galay kaalinta koowaad, waxaana loo caleemo saaray ciyaaryahanka ugu fiican horyaalka Premier League mudada 10-kii sano ee la soo dhaafay, arrintan ayuu ku muteystay maadaama uu ku qaatay muddo dhan siddeed xilli ciyaareed iyo bar, waxaana lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xiddigaha goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalka mudadan, isagoo dhaliyay 172 gool.

Xiddiga reer Masar ee Maxamed saalax ayaa liiskan kaga dhameystay kaalinta 16-aad, dabcan waa booska ugu wanaagsan ee laacibkan, marka loo fiiriyo inuu ku qaadanayo xilli ciyaareedkiisii seddexaad kooxda Liverpool, iyadoo muddo gaaban uu qeyb ka yahay horyaalka Premier League, haddana waxaa la dhihi karaa wuxuu ku guuleystay inuu helo boos fiican shaki la’aan.

Xiddiga reer Algeria ee Riyad Mahrez ayaa liiskan kaga dhameystay kaalinta 14aad, dad badan ayaana rumeysan inuu u qalmo maqaam fiican madaama uu ku jiro xilli ciyaareedkiisii lixaad ee horyaalka Premier League isagoo ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo liiska 50-ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa horyaalka Premier League Tobankii sano ee lasoo dhaafay oo la shaaciyay:

50. Wes Morgan.

49. Heung-min Son.

48. Aaron Ramsey

47. Bernardo Silva

46. Cesar Azpilicueta

45. Leroy Sané

44. Dele Alli

43. Didier Drogba

42. Thibaut Courtois

41. Ederson

40. Michael Carrick

39. Jan Vertonghen

38.Juan Mata

37. Olivier Giroud

36. Alexis Sanchez

35. Hugo Lloris

34. Joe Hart

33. Pablo Zabaleta

32. Christian Eriksen

31. Philippe Coutinho

30. Steven Gerrard

29. Romelu Lukaku

28. Mesut Ozil

27. Frank Lampard

26. Roberto Firmino

25. Cesc Fabregas

24.Virgil van Dijk

23. Sadio Mane

22. Diego Costa

21. Fernandinho

20. Kevin De Bruyne

19. Wayne Rooney

18. Robin van Persie

17. Petr Čech

16. Maxamed Saalax

15. Jamie Vardy

14. Riyad Mahrez

13. John Terry

12. N’Golo Kanté

11. Raheem Sterling

10. Luis Suárez

9. Gareth Bale

8. James Milner

7. Harry Kane

6. Yaya Toure

5. David de Gea

4. Edin Hazard

3. Vincent Kompany

2. David Silva

  1. Sergio Agüero.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close