Giggs oo faahfaahin ka bixiyay dhaawaca soo gaaray xiddiga kooxda Real Madrid ee Gareth Bale

(Madrid) 14 Okt 2019. Macalinka xulka qaranka Weles ee Ryan Giggs ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada dhaawacii xalay soo gaaray xiddiga kooxda Real Madrid ee Gareth Bale.

Gareth Bale ayuu dhaawac ka soo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii ay xalay ku wada ciyaareen xulalka Weles iyo Croatia isreebreebka koobka Euro 2020.

Haddaba Macalinka xulka qaranka Weles ee Ryan Giggs ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Bale uusan qabin dhaawac halis ah, balse xanuun dhanka muruqa ah uu dareemay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Ryan Giggs oo ka hadlayay xaalada dhaawac ee Gareth Bale ayaa wuxuu yiri:

“Bale waxaa soo gaaray dhaawac dhanka muruqa ah gabagabadii ciyaarta, laakiin ma dooneynin inuu garoonka ka baxo, wuxuu soo bandhigay kulan weyn”.

“Caadi ahaan, waxaan ku ciyaarnay kulanka 10-kii daqiiqo ee ugu dambeysay, 10 ciyaartoy oo kaliya, sababa la xiriira dhaawaca soo gaaray Gareth Bale”.

Waxaa xusid mudan in laacibka reer Weles ee Gareth Bale uu soo gaaray dhaawacan ka hor 12 maalmood kulanka adag El Clásico ee horyaalka La Liga ay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ku wada ciyaari doonaan garoonka Camp Nou.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close