Xulka Spain oo xalay garoonka ku soo bilaabay 11 ciyaaryahan oo ka kala tirsan 11 Kooxood oo kala duwan!

(Madrid) 13 Okt 2019. Xulka qaranka Spain ayaa xalay kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2020 la ciyaaray dhigooda Norway, waxaana kulankaasi uu ku soo dhammaaday barbardhac 1-1 ah, hase ahaatee waxaa kulankaasi laga diiwaan galiyay xog cajiib ah.

Xulka qaranka Spain oo caan ku ahaa in inta badan uu siticmaalo xiddigaha badi isku koox ah ayaa dheeshii xalay waxaa loo diiwaan galiyay inay garoonka mar qura iskugu keeneen 11 xiddig oo u kala safta 11 kooxood oo kala duwan markii ugu horreysay.

Xiddigaha ayaa xitaa kala tirsanaa kooxaha ugu tunka wayn qaaradda yurub guud ahaanba, waxaana xiddigaha ka soo muqanayay ka mid ah goolhayaha Chelsea ee Kepa, Juan Bernatt oo PSG ah, Saul oo Athletico Madrid ah, Ramos oo Real Madrid ah iyo magacyo kale.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sawirka xiddigaha 11 ah iyo kooxaha ay ka kala tirsan yihiin:-

Si kastaba ha ahaatee xulka qaranka Spain ayaa ka mid ah waddamada loo saadaalinayo inay ku guuleysan karaan koobka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close