RASMI: Goolhayihii Arsenal & Chelsea ee Petr Cech oo saftay kulankiisii ugu horreeyey ee Hockey-da… + SAWIRRO

(Yurub) 13 Okt 2019. Petr Cech ayaa saftay kulankiisii ugu horreeyey ee ciyaaraha Hockey-da maanta kaddib markii uu dhowaan ku biiray koox ciyaarta ciyaarahaasi.

Goolhayihii kooxaha Arsenal iyo Chelsea ee Petr Cech ayaa aduunka ka yaabsaday kaddib markii uu maalmo ka hor badalay kubbada cagta uu magac wayn ku soo sameeyay, wuxuuna ku biiray koox dalka Ingiriiska ka dhisan oo ciyaarta Hockey-da.

Petr Cech ayaa shaaciyay in uu ku biiray ciyaarta hockey-da oo uu jeclaa daawashadeeda inkasta oo uu muddo dheer ku soo dhex jiray kubbada cagta oo uu koobab badan ugu soo guulaystay.

Waxa uu Goolhaye Petr Cech si rasmi ah ugu biiray kooxda  Guildford Phoenix NIHL ee ciyaarta Hockey isaga oo qiray in ay tahay ciyaar uu aad u jeclaa daawashadeeda.

Kulankiisii ugu horreeyey ee Hockey-da ayuu Petr Cech saftay maanta isagoo goolka ugu bilowday kooxdiisa cusub ee Guildford Phoenix NIHL.

Petr Cech ayaa muddo 20 sanadood ah waxa uu soo ahaa xirfadle goolhayenimo ku soo shaqaystay, isla markaana magac wayn ku soo sameeyay, balse hadda waxa uu bilaabay bog cusub oo ciyaaraha Hockey-da.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close