“Neymar Jr wuxuu noqon karaa kan ugu wanaagsan adduunka” – Alisson Becker

(Brazil) 13 Okt 2019. Goolhaayaha reer Brazil iyo Liverpool ee Alisson Becker ayaa sheegay in xiddiga ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Neymar Jr uu noqon karo laacibka ugu fiican adduunka koox kasta uu joogo Barcelona ama meel kale.

Neymar ayaa lala xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii ​​hore ee Barcelona xagaagii lasoo dhaafay, laakiin ugu dambeyntii wuxuu iska sii joogay naadihiisa reer France ee Paris Saint-Germain.

Haddaba Alisson Becker ayaa carabka ku adkeeyay in Neymar Jr uu leeyahay awooda ugu fiican ee uu ku noqon karo ciyaaryahanka adduunka ugu fiican meel kasta uu joogo Barcelona ama koox kale.

Alisson Becker ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:

“Neymar Jr waa ciyaaryahan weyn, runtiina wuxuu fure u noqon doonaa koox kasta uu ka mid noqdo”.

“Haddii uu ku laabto kooxda Barcelona ama hadii kale, wax dhibaato ah ma sababi doonto, waxaan u rajeynayaa Neymar nasiib wanaagsan meel kasta uu joogo, iyo inuu farxad dareemo”.

“Neymar wuxuu noqon karaa kan ugu fiican koox kasta, kaliya maahan Barcelona”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close