Man United oo soo cusboonaysiisay fikrada ay ku dooneyso inay kula saxiixato xiddig horey bar-tilmaameed ugu ahaa

(Manchester) 13 Okt 2019. Madaxa fulinta Manchester United ee Ed Woodward ayaa doonaya inuu dib u xoojiyo safka kooxda Red Devils uu haatan hogaamiyo tababare Ole Gunnar Solskjær qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Maamulka kooxda Red Devils ayaa waxay qorsheenayaan in ciyaartoy qaar ay ku soo kordhiyaan safka kooxdooda kaddib suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee furmi doono bisha Janaayo ee soo aadan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Express” ee dalka England, kooxda Manchester United ayaa qorsheeneysa inay u dhaqaaqdo soo xero galinta weeraryahanka  naadiga Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani.

Weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani ayaa wuxuu horey bar-tilmaameed ugu ahaa kooxda Manchester United, iyadoo markale dib u soo celisay xiisaha ay u qabto adeegiisa.

PSG ayaa waxay u muuqataa inaysan diyaar u aheyn inay qandaraaska u kordhiso Edinson Cavani, kaddib imaatinka kooxda ee Mauro Icardi iyadoo ay horey u joogeen xiddigaha Neymar Jr iyo Kylian Mbappé.

Wargayska ayaa tilmaamay in United ay noqon doonto meesha ugu haboon ee kaga dhiman Edinson Cavani xirfadiisa ciyaareed, sidaa darteed Red Devils ayaa sameyn doonta dalab soo jiidasho iyo xamaasad leh bisha Janaayo si ay ula saxiixato.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close