Xilliga uu dib ugu soo laabanayo Umtiti kooxda Barcelona oo la shaaciyay

(Barcelona) 12 Okt 2019. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday in daafaca reer France ee Samuel Umtiti uu diyaar u noqon doono inuu ciyaaro markale, kaddib markii uu ka soo kabtay dhaawacii uu kaga maqnaa garoomada mudadii lasoo dhaafay.

Samuel Umtiti ayaa lagu soo waramayaa inuu isku diyaarinayo ka qeyb qaadashada kulanka ay Barcelona kula ciyaari doonto horyaalka La Liga kooxda Eibar, kaddib kulamada caalamiga ah ee xulalka qaramada.

Umtiti ayaa garoomada kaga maqnaa mudo bil ah dhaawac ka soo gaaray lugta midig, laakiin xiddigan ayaa la tacaalayay xanuun dhanka jilibka bidix in ka badan sannad, daafaca reer France ayaa wali diidan inuu maro qaliin wuxuuna door bidayaa inuu helo daaweyn kale.

Daafaca reer France ayaa suurtogal ah inuu helo daqiiqado kulanka Eibar, sababa la xiriira ganaaxyada ay kooxda kaga maqan yihiin daafacyada Ronald Araújo iyo Gerard Piqué, Barca ayaa wali la tacaaleysa sidii ay markale dib ugu soo celin laheyd Umtiti awoodiisa ciyaareed ee lagu yaqiinay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close