Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo oo Rikoor kale sameeyey kulankii xalay ee Luxembourg

(Yurub) 12 Okt 2019. Cristiano Ronaldo ayaa sameeyey rikoor cusub oo cajiib ah xirfaddiisa ciyaareed ee kubadda cagta, kaddib markii uu gool ka dhaliyey xalay xulka qaranka Luxembourg.

Kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 700-aad ee waayahiisa kubadda cagta kulankii ay guusha ka gaareen dhiggooda Luxembourg ee ka tirsanaa isreeb-reebka koobka qarammada Yurub ee 2020.

Weeraryahanka kooxda Juventus ayaa gool cajiib ah oo uu ka farsameystay difaacyada ka dhaliyey Luxembourg, waxaana uu ahaa midkiisii 94-aad ee uu u dhaliyo xulkiisa qaranka Portugal, kaliya heerka qaran waxaa ka horreeya Ali Daei oo 109 gool u dhaliyay xulka Iran.

CR7 ayaa dhaliyey 5 gool 31 kulan oo uu u ciyaaray Sporting, waxa uu dhaliyey 118 gool 292 oo uu u saftay Man United, intii uu ku sugnaa Spain waxa uu dhaliyey 451 gool 438 kulan oo uu ciyaaray, halka 32 gool uu u dhaliyey Juventus 51 kulan oo uu u ciyaaray, waxaana xisaabta sidoo kale lagu darayaa 94 gool oo uu u dhaliyey xulkiisa qaranka Portugal, taasoo ka dhigan in Ronaldo uu xalay xiray 700 oo gool oo uu dhaliyey xirfaddiisa ciyaareed.

Haddaba xiddigaha kale ee Ronaldo uga horreeyey goolashan 700 ah ee dhaliyey 700 oo gool ama in ka badan halkaan hoose ka eeg:-

1- Josef Bican 805 gool

2- Romario 772 gool

3 – Pele 767 gool

4 – Puskas 746 gool

5- Gerd Muller 735 gool

6- Cristiano Ronaldo 700-gool

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close