Christian Eriksen oo Alaababada u furay kooxda uu u dhaqaaqayo… (Ma Man United, Real Madrid mise Bayern Munich?)

(London) 12 Okt 2019. Christian Eriksen ayaa la soo warinayaa inuu albaabada u furay inuu u dhaqaaqo naadiga Bayern Munich ee dalka Jarmalka sida wararku ay sheegayaan.

Kooxda ka dhisan dalka Jarmalka ayaana la soo warinayaa inayba heshiis la gaartay xiddiga bartilmaameedka u ah kooxaha Real Madrid iyo Manchester United.

Jariiradda Sport1 ayaa shaaca ka qaaday in Christian Eriksen uu dhabaha u xaaray inuu ku biiro kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka.

Laacibkan khadka dhexe ee wax weerara ayaa la filayaa inuu ka tago naadiga Tottenham marka uu dhammaado qandaraaskiisa dhammaadka xilli ciyaareedkan, in kastoo kooxda Spurs laga soo warinayo inay iibinayso suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Real Madrid iyo Manchester United ayaa isha ku haya inay la soo wareegaan Eriksen, laakiin Bayern Munich ayaa sidoo kale u soo baxday inay yihiin musharixiinta ugu cad-cad, waxaana Wargeyska Sport1 uu warinayaa in kooxda ka dheesha horyaalka Bundesliga ay durbaba la soo wareegtay oo ay heshiis la gaartay xiddigan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close