RASMI: Xiddigii ugu fiicnaa iyo goolkii ugu quruxda badnaa Premier League bisha September oo lagu dhawaaqay

(England) 11 Oct 2019. Waxaa maanta lagu dhawaaqay laacibka ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa bishii la soo dhaafay ee September horyaalka Premier League.

Xiddiga reer Gabon iyo kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii lasoo dhaafay ee September.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa bandhig fiican ka sameeyay kooxdiisa Gunners, kulamadii uu kaga soo muuqday bishii lasoo dhaafay ee September, isagoo dhaliyay goolal fara badan.

Boggo rasmiga ah Premier League ee “Twitter-ka” ayaa lagu shaaciyay in Pierre-Emerick Aubameyang loo caleemo saaray abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa bishii la soo dhaafay ee September horyaalka Ingiriiska.

Arsenal ayaa ciyaaray 4 kulan horyaalka Premier League ah bishii la soo dhaafay ee September, iyagoo garaacay Aston Villa, laakiin waxay barbaro la galeen kooxaha Watford, Tottenham Hotspur iyo Manchester United.

Aubameyang ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddigaha kala ah Alexander-Arnold, Kevin De Bruyn, Riyad Mahrez iyo weeraryahanka Tottenham ee Heung-min Son.

Dhinaca kale Alexandre Lacazette ayaa ku guuleystay abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa bishii la soo dhaafay ee September, kaasoo uu ka dhaliyay kulankii ay la ciyaareen Tottenham, wuxuuna ku qaaday 35% codadkii la dhiibtay.

فيديو مُضمّن

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close