Laacibka ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa Real Madrid bisha September oo lagu dhawaaqay

(Madrid) 11 Okt 2019. Waxaa lagu dhawaaqay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta laacibkii ugu fiicnaa bishii la soo dhaafay ee September kooxda Real Madrid.

Xiddiga reer France ee Karim Benzema ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa kooxda Real Madrid bishii lasoo dhaafay ee September.

Karim Benzema ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican, kulamadii uu ka soo muuqday kooxda Real Madrid bishii lasoo dhaafay ee September, isaga oo dhaliyay goolal fara badan.

Benzema: Mallorca, Galatsaray, Barça "very difficult" games

Benzema ayaa abaal-marinta laacibkii ugu fiicnaa bishii la soo dhaafay ee September ku gudoomay, kahor inta uusan bilaabanin tababarkii maanta ee kooxda Real Madrid.

Laacibka reer France ayaa sameenaya qaab ciyaareed fiican tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, gaar ahaan markii uu ka tagay kooxda Real Madrid xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Benzema ayaa kaddib markii uu abaal-marinta gudoomay wuuu ka hadlay dareenkiisa wuxuuna yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan abaal-marin ka helo taageerayaasha”.

Waxaa xusid mudan in xiddiga Lambarka 9-aad uu dhaliyay 6 gool, wuxuuna caawiyay 2 gool kale, 9 kulan uu kaga soo muuqday kooxda Real Madrid dhamaan tartamada kala duwan xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close