Miyuu Thomas Muller bisha Janaayo ka tagayaa Bayern Munich, xilli ay xiisaynayaan qaar ka mid ah Kooxaha waa weyn ee Premier League?

(Munich) 11 Okt 2019. Sida wararku ay sheegayaan Thomas Muller ayaa sii joogi doona Bayern Munich xilli la ogyahay inay xiisaynayaan kooxaha waa weyn ee Premier League qaarkood.

Weeraryahanka naadiga Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa la la xiriirinayay inuu isaga tagi doono kooxda xafidanaysa horyaalka Jarmalka.

Yeelkeede, Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa warinaya in 30-sano jirkaan uusan kooxda Bayern Munich ka tagi doonin suuqa kala iibsiga xiddigaha ee bisha Janaayo.

Waxaa jira warar xan ah oo sheegaya in xiddigan uu xiiso ka helayo kooxo badan oo horyaalka Premier League ka dheela oo ay ku jiraan Arsenal, Manchester United iyo Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close