“Barcelona waa inay ciqaabtaa xiddigan” – Rivaldo

(Barcelona) 11 Okt 2019. Halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona Rivaldo ayaa soo jeediyay in Blaugrana ay ku ciqaabto mid ka mid ah xiddigaheeda sababa la xiriira anshax xumida.

Rivaldo ayaa kula taliyay kooxdiisii hore Barcelon in xiddiga reer France ee Ousmane Dembélé ay ku ciqaabto sababa la xiriira anshax xumida uu sameeyay.

Laacibkii hore reer Brazil ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

Image result for Ousmane Dembélé

“Waa muhiim in kooxda ay leedahay farsamooyin gudaha ah oo ay ku ciqaabaan ciyaartoydooda, sida xaaladahan cakiran oo kale”.

Ousmane Dembélé ayaa seegi doona labada kulan ee soo aadan ay ciyaari doonto kooxda Barcelona uu qeyb ka yahay kulanka El Clasico ay la ciyaarayaan Real Madrid, kaddib markii uu ku hor qeyliyay garsoore Antonio Mateu Lahoz, isaga oo qaatay kaddib kaarka roosaha.

Rivaldo ayaa sheegay in ciyaaryahanka ay tahay inuu xakameeyo dareenkiisa, inkastoo kulanka uu ka dhashay xiisad aad u xoogan, haddana hab dhaqankan ayuu ku tilmaamay midaan la aqbali Karin.

“Ciyaaryahanka kubadda cagta waa inuu noqdaa mid caqli badan, isla markaana uu ka fekeraa kulamada soo socda, waa inuusan kaga tagin saaxiibadiis iyo macalinkiisa xaalad adag”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close