Sergio Ramos oo raadinaya inuu gaaro, guul aan la gaarin muddo 81 sano ah

(Madrid) 10 Okt 2019. Kabtanka xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa eeganaya inuu gaaro guul cusub, haddii ay dhacdo inuu kala soo muuqdo xulkiisa La Roja ciyaaraha Olombikada xagaaga 2020 ee ka dhici doono Tokyo.

Guusha ugu weyn uu doonayo inuu gaaro Sergio Ramos ayaa ah inuu noqdo xiddig ku wada guuleysto koobka adduunka oo dhinac ah, iyo sidoo kale guuleystaha Olambikada ciyaaraha kubada cagta oo dhinac kale ah, taas oo aan horey loogu guuleysan ilaa iyo 1938.

Taariikhda kubbadda cagta ma aysan ka dhicin, balse kaliya 20 ciyaartoy ayuu nasiibka ka caawiyay inay ku wada guuleystay Koobka Adduunka iyo Ciyaaraha Olombikada, waxaana ka mid ah 16 xiddig oo xulka qaranka Uruguay ah iyo 4 ka mid ah xulka Talyaaniga.

Ciyaartoyda reer Uruguay ayaa awooday in ay gaaraan guushan muhiimka ah, kaddib markii ay ay ku guuleysteen Koobkii Adduunka ee 1930-kii, iyo ciyaarihii Olimbikada adduunka ee 1924 oo lagu qabtay Amsterdam.

Afarta ciyaaryahan dalkaTalyaani ah ee guushan gaaray ayaa kala ah Pietro Rava, Alfredo Foni, Ugo Locatelli iyo Sergio Bertoni kuwasoo noqonaya xiddigihii ugu dambeeyay ee ku guuleystay Olambikada Berlin 1936, labo sano kaddib markii Azzurri loo caleemo saaray koobkii adduunka 1934.

GettyImages-1172867071

Sergio Ramos ayaa loo caleemo saaray Koobka Aduunka 2010 wuxuuna hadda raadinayaa, inuu ku guuleysto koobka Olombikada xagaaga 2020 ee ka dhici doono Tokyo, kaas oo la qaban doono inta u dhexeysa July 24 ilaa iyo August 9 ee 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close