RASMI: Xiriirka kubadda cagta FIFA oo go’aan ka soo saaray hadii uu Ansu Fati matali karo xulka qaranka Spain

(Spain) 10 Okt 2019. Xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ayaa go’aan rasmi ah ka soo saaray hadii uu xiddiga kooxda Barcelona ee Ansu Fati matali karo xulka qaranka Spain

Xiddiga kooxda Barcelona ee Ansu Fati ayaa diyaar u ah inuu matalo xulka qaranka Spain da’akasta ay noqoto, laga bilaabo maanta oo Isniin ah.

Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in FIFA ay ogolaatay arrintan, wuxuuna helay dhammaan dukumiintiyada u suurtagalinaya Ansu Fati inuu qeyb ka noqdo xulka La Roja.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday bayaanka ka soo baxay Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Spain kaas oo xaqiijiyay in Ansu Fati uu hadda matali karo xulka Spain.

Wargeyska ayaa tilmaamay in ciyaaryahanka ku dhashay wadanka Guinea-Bissau laga yaabo inuu markiisii ugu horeysay u safto xulka qaranka Spain isagoo la ciyaaraya kooxda U-21 bisha November ee soo aadan.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas sii raaciyay:

“Hadii uu Ansu Fati sii wado qaab ciyaareedka uu haatan ka sameynayo kooxda Barcelon, inaysan macquul noqon Karin inuu matalo xulka koowaad ee qranka Spain koobka Euro 2020”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close