Juventus oo bartilmaameedsanaysa bisha Janaayo xiddig ka tirsan Kooxda Chelsea

(Turin) 10 Okt 2019. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Juventus ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa bartilmaameedsanaysa bisha Janaayo xiddiga ka tirsan Chelsea ee Emerson.

Warsidaha Calciomercato ayaa warinaya in Juventus ay indhaha ku hayso inay la soo saxiixato daafaca garabka bidix ee Chelsea, Emerson Palmieri bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Xiddiga xulka qaranka Tayaaniga ayaa heshiis ku eg sanadka 2022-ka kula Chelsea, waxaana uu haatan ka fiirsanayaa soo jeedinta ka timid Blues ee ah in qandaraaskiisa la kordhin doono oo la gaarsiin doono illaa sanadka 2024-ka.

Laakiin tababare Maurizio Sarri, kaasoo ku soo daawaday Emerson kooxda Chelsea ayaa rajaynaya inuu shaxdiisa Juve ku soo darsado bartamaha xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close