Messi oo rikoodh cajiib ah ku garaacay Ronaldo… (BAL EEG isbar-bardhiga xiisaha badan ee lagu sameeyay labadan xiddig)

(Europe) 09 Okt 2019. Isbar-bardhiga xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa ah sheeko aan dhamaad laheyn, maadaama ay sameynayaan waxyaabo aanan kaga baranin inay sameeyaan dhamaan ciyaartoyda kale ee ku xamaasha kubadda cagta, sida sameynta rikoorro, iyo ku guuleysiga abaal-marinada gaarka ah iyo kuwa guud.

Isbar-bardhiga cajiibka ah ee u dhexeeya xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa waxaa ka mid ah ku guuleysiga horyaalada marka loo eego kooxaha ay u ciyaareen, inkastoo si aad ah ay isugu dhawyihiin tirsiga goolasha ay dhaliyeen, haddana xiddiga reer Argantina ayaa xoogaa waxyaabo qaar ku sareeya, inkastoo uu ciyaaray kulamo ka yar inta uu ciyaaray dhigiisa reer Portugal oo ay si weyn ugu dagaalamaan kubadda cagta.

Messi ayaa ciyaaray 455 kulan oo horyaalka ah, dhamaantoodna waa horyaalka La Liga ee dalka Spain, wuxuuna dhaliyay 420 gool, taasoo cel celis ahaan ka dhigan inuu dhaliyay 0.92 gool kulankiiba, wuxuuna sidoo kale caawiyay 164 gool, wuxuuna sidaas kaga qeyb qaatay 584 gool oo ay dhalisay kooxda Barcelona.

Image result for Ronaldo and Messi

Dhinaca kale Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu ciyaaray kulamo gaaraya 550 kulan ee isugu jira horyaalada Portugal, Ingiriiska, Spain iyo Talyaaniga, wuxuu dhaliyay 422 gool, wuxuu 2 gool oo kaliya ka badan yahay xiddiga ay xilfaltamaan ee Messi, laakiin heerka cel celis ahaaneed ee gooldhalintiisa ayaa aad u yar wuxuuna dhaliyay 0.76 gool halkii kulan, marka loo eego heerka gool caawintiisa, wuxuu sameeyay 130 caawin, wuxuuna guud ahaan ka qeyb qaatay 552 gool.

Laakiin Messi ayaa sidoo kale wuxuu kaga sareeyaa Cristiano Ronaldo tirada inta horyaal uu ku guuleystay xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta, wuxuu ku guuleystay 10 koob ee horyaalka La Liga ee dalka Spain ah, halka 7 horyaal uu ku guuleystay xiddiga reer Portugal, ee kala ah 4 Premier League ah, 2 jeer Spain ah iyo 1 jeer oo horyaalka Talyaaniga ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close