Kooxda Muqdisho City Club oo soo bandhigtay Siddeed ciyaartooy oo heer caalami ah

(Muqdisho) 09 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Muqdisho City Clup ayaa maanta waxay ku soo bandhigtay garoonkeeda minishiibiyo, dhowr ciyaartoy ay kala soo saxiixatay kooxaha ka dhisan dalka, kuwaas oo sanadkan matali doona naadiga MCC.

Muqdisho City Clup ayaa ka mid ah kooxaha ugu tunka weyn horyaalka Somali Premier League, waxayna sanadkan rajo wanaagsan ka qabtaa in meel wacan ay ka gaarto horyaalka.

Sidoo kale Kooxda kubadda cagta Muqdisho City Clup ayaa waxay si weyn isugu diyaarineysaa Koobka Jen. Daa’uud oo ka mid ah tartamada ugu xiisaha badan ee dalka ka dhaca, kaasoo dhawaan ka furmi doono caasimada magaalada Muqdisho.

Haddaba muuqaalka hoose kaga boggo siddeeda ciyaartoy ay la saxiixatay kooxda Muqdisho City Clup, kuwaasoo sanadkan matali doona:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close