Berbatov oo soo jeediyay xal uu aaminsan yahay in lagu yareen karo loolanka u dhexeeya Ronaldo iyo Messi

(Europe) 09 Okt 2019. Xiddigii hore xulka Bulgaria iyo kooxda Man United ee Dimitar Berbatov ayaa u muuqda mid si weyn u dhibsaday doodaha soo noqnoqda ee ku saabsan kan u qalma labada xiddig ee Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo inuu yahay midka ugu fiican.

Weeraryahankii hore kooxaha Manchester United iyo Tottenham Hotspur ee Dimitar Berbatov ayaa waxay arrintan ku qasabtay inuu soo jeediyo xal ka caawin kara in la yareeyo loolanka u dhexeeya labadan ciyaaryahan.

Dimitar Berbatov ayaa aaminsan in UEFA ay tahay inay soo afjarto muranka u dhexeeya Ronaldo iyo Messi, ee ah inay siiyaan labada ciyaaryahan abaal-marin xilli ciyaareed kasta.

Messi iyo Ronaldo ayaa maalmo ka hor ku tartamay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST 2019, kaasoo ugu dambeyntii uu ku guuleystay xiddiga reer Argantina, kaddib markii uu ku hogaamiyay kooxdiisa Barcelona ku guuleysiga horyaalka La Liga, isla markaana ay gaareen wareega afar dhamaadka tartanka Champions League.

Haddaba Dimitar Berbatov ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Loolanka u dhexeeya Messi iyo Ronaldo? Waa in labadooda la siiyo abaal-marin sanad kasta, si loo soo afjaro muranka ka taagan, midna kama fiicna kan kale”.

“Ronaldo wuxuu doonayaa inuu ku guuleysto dhamaan abaal-marinada, sababtoo ah waa rajo, Messi ma muujiyo arrintaas, balse waxaa laga yaabaa in marka uu gurigiisa joogo uu naftiisa u sheego [Waan burburin doonaa qof walba], ugu dambeyntii qofna kama xishoodo guusha”.

Si kastaba ha noqotee, Dimitar Berbatov ayaa wuxuu maalmo kahor ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba ka fariistay ciyaarista kubadda cagta, iyadoo laga war qabo in kooxda Man United uu la qaaday labo jeer horyaalka Premier League, iyo Club World Cup oo hal jeer ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close