Zidane oo ka codsaday madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez inuu ka takhaluso xiddig ka tirsan kooxda

(Madrid) 07 Okt 2019. Sida laga soo xigtay shabakada “Don Balón” ee dalka Spain maanta oo isniin ah, macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa ka codsaday madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez inuu ka takhaluso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Francisco Isco inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Francisco Isco ayaa la kulmay dhaleeceeno xoogan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay sababa la xiriira hoos u dhac muuqda ee ku yimid awoodiisa jireed, waxayna u muuqataa in xilli ciyaareedkan uu noqon doono sidii uu ahaa kii hore oo kale, taasoo ku kaliftay Zidane inuu fariisiyo kursiga keydka kulamada ugu badan.

Isco, oo 27 jir ah, ayaa weli ku jira liis dheer oo ciyaartoy ah ee la filayo inay ka baxaan garoonka Santiago Bernabéu, ciyaaryahanka ayaa u baahan inuu sameeyo horumar dhinac walba ah si uu uga dhaadhiciyo Zidane inuu ka laabto go’aanka uu kooxda kaga dirayo.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Zinedine Zidane uu miiska wada hadalada la fariistay madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez, wuxuuna ku war galiyay inuusan u baahneyn adeega Francisco Isco, isagoo ka codsaday in la iibiyo gabi ahaantiisba suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Kooxda Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay si xoogan u xiiseeneyso inay la saxiixato Francisco Isco, si ay ugu xoojisato khadkeeda dhexe, maadaama ay soo dhawaatay xilliga uu David Silva isaga tagi Skay Blues.

Real Madrid ayaan wax dood ah ka qabi doonin fikrada ay kaga iibineyso Francisco Isco dhigeeda Manchester City, sababtoo ah waa kooxda kaliya ee heysa lacag ku filan. si ay ula saxiixato ciyaaryahanka reer Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close