RASMI: Kooxda Inter Milan oo ka hadashay xaaladda dhaawac ee Stefano Sensi

(Milan) 07 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa xaqiijisay in Stefano Sensi uu soo gaaray dhaawac muqura lugta midig ah.

Kaddib markii laga saaray garoonka daqiiqaddii 34-aad kulankii xalay dhexmaray kooxaha Inter Milan iyo Juventus, naadiga Nerazzurri ayaa xaqiijisay Stefano Sensi uu dhaawac daran ka soo gaaray muruqa lugtiisa midig.

Laacibkan khadka dhexe ayaa kulankii xalay lagu bedelay Vecino, waxaana heerka dhaawaciisa la qiimeyn doonaa maalmaha soo socda.

Stefano Sensi ayaa dhaliyey 3 gool, isla markaana 2 caawin sameeyey 7 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u ciyaaray kooxdiisa Inter Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close