Guardiola oo si layaab leh kaga arragti dhiibtay arrinta ku saabsan farqiga dhibcaha ee u dhexeeyay Man City iyo Liverpool

(Manchester) 07 Okt 2019. Manchester City oo ku dhex sugneyd jamaahiirteeda iyo garoonkeeda Etihad ayaa guuldaro 0-2 ah kala kulantay kooxda Wolverhampton, kulankoodii 8-aad ee horyaalka Premier League.

Skay Blues ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u xun oo aan lagu daawananin tan iyo imaatinka tababare Pep Guardiola ee garoonka Etihad.

Shaqsi ahaan macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa wuxuu u arkaa natiijo iyo guuldrro ay u qalantay kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee dalka England.

Farqiga u dhexeeya kooxda Manchester City iyo hogaamiyaasha horyaalka ee Liverpool ayaa hadda gaaray 8 dhibcood, kaddib 8 kulan laga ciyaaray horyaalka Premier League ilaa iyo haatan.

Pep Guardiola oo ka hadlayay farqiga u dhexeeya labada kooxood Liverpool iyo Manchester City ayaa wuxuu yiri:

“Waxaa fiican inaan ka fikirin farqiga 8 dhibcood ee kooxda Liverpool”.

“Haa waa farqi weyn, Liverpool wax dhibic ah ma aysan khasaarinin ilaa iyo haatan, laakiin waxaa fiican inaan ka fikirin farqiga siddeeda dhibic ee Liverpool”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close