Man United oo guuldarro kala kulantay Newcastle United, xilli uu sare u kacay cadaadiska saarnaa tababare Solskjaer…. + SAWIRRO

(Newcastle) 06 Okt 2019. Newcastle United ayaa saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Manchester United garoonkeeda St James’ Park, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar ka tirsaneyd kulmada 8-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, xilli uu sare u kacay cadaadiska saarnaa tababare Solskjaer.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed fiican, waxayna abuureen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 72-aad Matthew Longstaff ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Newcastle United, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jetro Willems.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 ay Newcastle United kaga adkaatay kooxda Manchester United oo marti ku aheyd garoonka St James’ Park, taasoo ka dhigeysa inay sare u sii kacday cadaadiska saarnaa tababare Ole Gunnar Solskjaer.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close