Juventus oo saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Inter kulankii adkaa ee derby d’Italia …+SAWIRRO

(Milano) 06 Oct 2019. Kooxda Juventus ayaa saddexda dhibcood kaga qaadatay dhigeeda Inter kulankii adkaa ee derby d’Italia ee horyaalka Serie A, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-2, xilli Bianconeri ay marti ku aheyd garoonka Giuseppe Meazza.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah kulankii adkaa ee derby d’Italia.

Daqiiqadii 4-aad ee bilawga dheesha Paulo Dybala ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Juventus, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-1, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Miralem Pjanic.

Laakiin daqiiqadii 18-aad kooxda Inter Milan ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Lautaro Martinez oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed fiican, waxayna abuureen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 80-aad Gonzalo Higuain oo badal ciyaarta ku soo galay ayaa hogaanka u dhiibay markale kooxdiisa Juventus, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-2, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Rodrigo Bentancur.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-2 aay guusha ku raacday kooxda Juventus oo marti ku aheyd garoonka Giuseppe Meazza, Bianconeri ayaana guushan ay gaartay waxay ka caawisay inay hogaanka kaga qabato farqi hal dhibic ah naadiga Inter.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close