Muxuu ka yiri tababare Maurizio Sarri kulanka adag habeen dambe ee Derby d’Italia??

(Turin) 05 Okt 2019. Tababaraha kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa carabka ku adkeeyay in kulanka xiisaha badan ay habeen dambe kuwada ciyaari doonaan Inter Milan horyaalka Serie A ee Derby d’Italia uu noqon doono mid aad u adag.

Dhinaca kale Maurizio Sarri ayaa tilmaamay in Nerazzurri ay noqotay naadi dhameystiran, isagoo tilmaamay inaysan jirin koox loo saadaalin karo inay guuleysan karto kulankan.

Macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka Inter wuxuu ku sheegay:

“Weli waxaa jira faahfaahin qaar oo la go’aaminayo ka hor ciyaarta, bal aan aragno sida tababarka kooxdu uu maanta noqon doono”.

“Waxaan la ciyaari doonnaa koox adag, ma jirto koox musharrax ah ee guuleysan karta kulankan, waxaan kaliya arkaa in koox kastaa ay xoogan tahay, waa dareen aad u xoogan inaad qeyb ka noqoto kulan sidan oo kale ah”.

“Inter Milan waa koox dhameystiran, aadna halis u ah, isla markaana ku fiican weerarka gaadmada ah, wuxuu noqon doonaa kulan aad u fiican” ayuu hadalkiisa ku soo xiray tababare Maurizio Sarri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close