Klopp oo si carro leh kaga hadlay dhaawaca soo gaaray Saalax inta lagu gudi jiray kulankii Leicester City

(Liverpool) 05 Oct 2019. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaaray Maxamed Saalax inta lagu gudi jiray kulankii adkaa ay maanta ku wada ciyaareen naadiga Leicester City garoonka Anfield.

Liverpool ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Leicester City garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1 kulan ka tirsanaa kulamada 8-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray maanta Maxamed Saalax uusan ahayn mid fudud sida dadka qaar ay aaminsan yihiin, isagoo tilmaamay in kooxda Leicester City ay isku dayday inay ku joojiso xiddiga reer Masar wado sharci darro ah oo aan la aqbali Karin.

Saalax ayaa garoonka ka baxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, kaddib markii uu saameyn ku yeeshay dhaawac ka soo gaaray dhanka canqowga ee lugta biddix, kaddib taakalo xun uu ku sameeyay xiddiga Leicester ee Hamza Choudhury wuxuuna tababare Klopp, badalkiisa keensaday Adam Lallana.

Ciyaarta kaddib tababare Jurgen Klopp ayaa wuxuu si carro leh u sheegay:

“Wuxuu ku jiraa qolka labiska, mana socon karo, sidee buu u fiicnaan karaa? faragalinta noocan oo kale ayaa ah midaan gebi ahaanba la aqbali karin, waxay u sameeyeen sidaas si loo yareeyo xawaarihiisa, si sharci darro ah”.

“Faragelin uu Hamza Choudhury ku sameeyay Saalax xaqiiqdii ma fahmin, fargalinta sidaan u weyn waxay noqon kartaa mid khatar ah, siduu ku qaatay kaarka digniinta? Wuxuu u qalmay kaarka roosaha”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close