Gündogan oo shaaca ka qaaday xaqiiqda ah inuu wadahadalo la yeeshay Bayern Munich

(Manchester) 05 Okt 2019. Laacibka khadka dhexe ee kooxda Manchester City İlkay Gündoğan ayaa shaaca ka qaaday xaqiiqda ku aadan inuu wadahadalo kula jiro kooxda Bayern Munich.

İlkay Gündoğan ayaa laga war qabaa inuu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan uu Pep Guardiola ku heysto safka kooxda Manchester City, gaar ahaan khadka dhexe, iyadoo dhawaanahan ay soo baxeen warar ku aadan inuu ku sii jeedo Bayern.

İlkay Gündoğan ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Suddeutsche Zeitung” ee dalka Germany wuxuu ku sheegay:

“Maanta waxaan daaha ka qaadi karaa xaqiiqda ku aadan wadahadalada aniga iyo Bayern Munich”.

“Waxaan horrey u wada hadalnay hal jeer si aan ugu dhaqaaqo, laakiin ma wada kulmin, sababo kala duwan awgood”

Xiddiga reer Germany ee İlkay Gündoğan ayaa cusubooneysiiyay qanadaraaskii uu ku yimid kooxda Manchester City sanadkii 2016, wuxuuna gaarsiiyay illaa iyo 2023.

Yeelkadeeda, laacibkii hore ee kooxda Borussia Dortmund ayaa muujiyay sida weyn ee uu ugu faraxsan yahay kooxda Manchester City wuxuuna yiri:

“Uma meleynayo inay jirto koox aan ku fiicnaan lahaa xilligan, sidoo kale ma jiro macalin aan aheyn Pep Guardiola ee iga dhigi lahaa mid fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close