Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka Granada

(Madrid) 04 Oct 2019. Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka horyaalka La Liga ay Granada kula ciyaari doonaan garoonka Santiago Bernabeu.

Macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu liiskan ugu yeeray magacyada 19 ciyaartoy, iyaddoo uusan liiskan ugu yeerin xiddigaha Lucas Vazquez iyo Vinicius Jr, laakiin taasi badelkeeda wuxuu u yeeray Rodrygo.

Sidoo kale waxaa liiskan ka maqan xiddigo ay ka mid yahiin goolhaaye Thibaut Courtois, Marcelo, Nacho Fernández iyo Ferland Mendy, magacyada James Rodríguez iyo Gareth Bale ayaa dib ugu soo laabtay liiskan.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka Granada:

عرض الصورة على تويتر

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close