Unai Emery oo ka hadlay xiddig ka tirsan Arsenal, kaddib guushii ay xalay ka gaareen kooxda Standard Liege

(London) 04 Oct 2019. Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa ku amaanay mid ka mid ah xiddigaha Gunners bandhigii uu ka sameeyay kulankii xalay ay dhulka ku jiideen kooxda Standard Liege.

Kooxda Arsenal ayaa ku xasuuqday naadiga Standard Liege Emirates Stadium, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, kulan ka tirsanaa kulamada labaad GROUP F ee tartanka UEFA Europa League.

Gabriel Martinelli ayaa kulankii xalay 2 gool ka dhaliyay kooxda Standard Liege qeybta hore ee ciyaarta, wuxuuna sidoo kale caawiyay goolkii uu dhaliyay Daniel Ceballos, isagoo qaab ciyaareed heer sare ah ka sameeyay booska dhanka weerarka.

Macalinka reer Spain ee Unai Emery ayaa kaddib ciyaarta sheegay:

Image result for Gabriel Martinelli

“Gabriel Martinelli wuxuu nooga ciyaaray booskan”.

“Bilowgii xilli ciyaareedka, Gabriel Martinelli wuxuu ka soo ciyaaray boosas kala duwan, laakiin wuxuu door bidaa inuu ka ciyaaro dhanka garabka bidix”.

“Waxaan u isticmaalay weerar ahaan sababtoo ah wuxuu ka soo ciyaaray booskan hadda kahor, ma aheyn booskiisa ugu fiican, laakiin ugu horeyn fikirkiisa ayaa ​​wuxuu ahaa inuu na caawiyo”.

“Taariikh ahaan Arsenal waxay mas’uuliyad iska sartaa dhalinyarada, aniga masuuliyadayadu waa inaan la hadlo kooxda”.

“Waxaan rabnaa inaan siinno dhalinyarada fursad, laakiin waa inaan ka helnaa shuruudaha ugu sarreeya ee qab ciyaareedkeena si aan u gaarno ujeedooyinkeena”.

“Waxaan heysanaa hal mashruuc, waxaanan dooneynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan-galno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close