Sadio Mané Mané oo hal arrin muhiim ah kaga digay saaxiibadiis Liverpool kahor kulanka Leicester City

(Liverpool) 04 Oct 2019. Weeraryahanka reer Senegal ee Sadio Mané ayaa kaga digay hal arrin saaxiibadiis kooxda Liverpool, kahor kulanka Leicester City ee horyaalka Premier League.

Sadio Mané ayaa kaga digay saaxiibadiis kooxda Liverpool halista kaga imaan karta Jamie Vardy, kahor kulanka ay barri ku soo dhaweyn doonaan garoonka Anfield kooxda Leicester City, isagoo sheegay inuu leeyahay awood joogta ah uu goolal ku dhaliyo waqti kasta.

Jamie Vardy ayaa dhaliyay 7 gool, 9 kulan uu ka horyimid kooxda Liverpool, isagoo 5 gool dhaliyay ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, taasoo muujineysa inuu halis buuxda ku noqon doono shabaqa hogaamiyaasha horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa guul gaartay 7-dii kulan ay xilli ciyaareedkan ka ciyaartay horyaalka Premier League, laakiin waxay la kulmeen dhibaatooyin dhanka daafaca ah kulankii Talaadada ee Salzburg ay ku wada ciyaareen Champions League, kaddib markii laga dhaliyay 3 gool.

Haddaba Sadio Mané ayaa wuxuu ku booriyay saaxiibadiis kooxda Liverpool inay noqdaan kuwo fiican, si ay guul kaga gaaraan kooxda Leicester City.

“Haddii aan dooneyno inaan guul gaarno, waa inaan u ciyaarnaa si ka fiican kulankii Salzburg, maxaa yeelay waxaan si fiican u naqaanaa Leicester City”.

“Leicester City way sarreysaa gaar ahaan xilli ciyaareedkan, aad ayeey ugu xoogan yihiin dhanka daafaca iyo weerarka, waxay heysataa koox isku duuban ee adag”.

“Vardy wuxuu xilli kasta dhaliyaa goolal, sidaas darteed waa inaan si fiican diirada u saarnaa, waana inaan isku daynaa inaan fursad walba oo horteena ah aan ka faa’iideysano, tani waxay fure u noqon doontaa inaan badino oo aan helno seddex dhibcood”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close