RASMI: Xiddigii ugu fiicnaa iyo goolkii ugu quruxda badnaa tartanka Champions League oo lagu dhawaaqay

(Yurub) 04 Oct 2019. Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay magaca xiddiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican toddobaadka tartanka Champions League, iyo goolka ugu quruxuda  badnaa tartankan.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Serge Gnabry ayaa si rasmi ah loogu caleemo saaray abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican toddobaadka tartanka Champions League, kaddib bandhigii cajiibka ahaa uu ku hor sameeyay naadiga reer England ee Tottenham Hotspur.

Serge Gnabry ayaa awooday in  sida roobki oo kale uu ugu da’o shabaqa kooxda Tottenham Hotspur, wuxuuna 4 gool kaga dhaliyay 35 daqiiqo gudahood qeybta labaad ee ciyaarta, kulankii labaad GROUP B ee  tartanka Champions League.

عرض الصورة على تويتر

24 jirkan ayaa ku garaacay abaal-marintan xiddigaha kala ah, ciyaaryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Achraf Hakimi, Luis Suarez iyo Emmanuel Bonaventure.

Dhinaca kale goolkii ugu quruxda badnaa toddobaadka tartanka Champions League ayaa la bixiyay, wxaana la siiyayLuis Suarez, kaasoo ahaa goolkii koowaad uu weeraryahanka Barca uu ka dhaliyay kooxda Inter.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close