RASMI: Tababarayaasha u sharraxan abaal-marinta macalinka bisha Sebtember ee Premier League oo la shaaciyay

(England) 04 Oct 2019. Website-ka rasmiga ah ee horyaalka Premier League ayaa wuxuu shaaca ka qaaday liiska musharraxiinta abaal-marinta macalinka ugu fiican horyaalka Ingiriiska ee bisha Sebtember.

Waxaa liiska musharaxiinta abaal-marinta macalinka bisha ku soo baxay tababaraha kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp, kaddib markii uu ku hogaamiyay Reds inay sii wadato bandhigeeda fiican ay kaga daah furatay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waxay guul gaareen 7-dii kulan ee laga soo ciyaaray ilaa iyo haatan, iyagoo 5 dhibcood kaga hogaaminaya dhanka kala sareynta horyaalka kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City.

52 jirkan reer Germany ayaa ku hogaamiyay kooxda Liverpool inay guul ka gaarto 3-dii kulan ay la ciyaareen kooxaha Newcastle United, Chelsea iyo Sheffield United, waxay dhaliyeen 6 gool, waxaana laga dhaliyay 2 gool.

Jürgen Klopp ayaa wuxuu abaal-marintan kula tartamayaa, macalinka leyliya kooxda Chelsea ee Frank Lampard, kan leyliya kooxda Bournemouth ee Eddie Howe iyo macalinka Leicester City ee Brendan Rodgers.

Frank Lampard ayaa bishii lasoo dhaafay wuxuu ku hogaamiyay kooxda Chelsea inay guul gaarto 2 kulan, waxaana laga badiyay 1 kulan, Blues ayaa dhalisay 8 gool, waxaana laga dhaliyay 4 gool.

Eddie Howe ayaa wuxuu kooxda Bournemouth ku hogaamiyay inay guul gaarto 2 kulan, halka kulanka kale ay galeen barbaro, waxay dhaliyeen 8 gool, waxaana laga dhaliyay 4 gool.

Ugu dambeyntii tababare Brendan Rodgers ayaa dhankiisa ku hogaamiyay kooxda Leicester City inay badiyaan 2 kulan, balse waxaa laga badiyay 1 kulan, waxay dhaliyeen 7 kulan, waxaana laga dhaliyay 2 gool.

عرض الصورة على تويتر

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close