“Ozil uma qalmo inuu joogo Arsenal” – Tababare Unai Emery

(London) 04 Oct 2019. Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in ciyaartoy kale ee ka tirsan Gunners ay u qalmaan fursad ay ku ciyaaraan, in ka badan Mesut Özil, taasoo xaqiijineysa in la gaaray xilliga uu xiddiga reer Germany ka bixi lahaa naadiga reer London.

Kooxda Arsenal ayaa kula ciyaartay naadiga Standard Liege Emirates Stadium, waxayna kaga adkaadeen 4-0, kulan ka tirsanaa kulamada labaad GROUP F ee tartanka UEFA Europa League.

Unai Emery ayaa isbadallo qaar ku sameeyay liiska xiddigaha kooxdiisa ee kulankii xalay, wuxuu ku soo darsaday qaar ka mid ah xiddigaha da’ayarta ah ee kooxda gaar ahaan Gabriel Martinelli oo xalay 2 gool ka dhaliyay kooxda Standard Liege.

Xiddiga reer Germany ee Mesut Özil ayaa halkiisa ka sii watay inuu ku maqnaado go’aan farsamo ah ee dhanka tababare Unai Emery ah, kaasoo u muuqda inuu xiiseenayo inuu iibiyo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee soo aadan.

Tababare Unai Emery ayaa u sheegay shabakada “BT Sport” ee dalka England:

“Waxaan kulan kasta ka fikiraa inaan doorto safka iyo ciyaartooyda ugu fiican ee naga caawin karta inaan guuleysano”.

“Marka aan go’aansado in Mesut Özil uusan ka mid noqonin shaxda kooxda, waxay la micno tahay inuu jiro ciyaaryahan kale ee u qalma fursad ka badan isaga”.

“Haatan waxaa na sugaya kulanka aan Axada ka ciyaari doono horyaalka Premier League, waxaana qaadan doonaa isla go’aankii”.

Waxaa xusid mudan in Mesut Özil oo haatan 30 jir ah uu ku egyahay heshiiskiisa kooxda Arsenal xagaaga 2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close